Wednesday, 7 September 2016

Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed General Ibraahim Macalin Kutub oo lagu soo eedeeyay Arimo foolxun


taliyaha ciidanka booliska Koonfur galbeed  General Ibraahim Macalin Kutub ayaa lagu  soo eedeeyay inuu saraakiil cusub oo ka tirsan kuwii dhawaan tababarka leyli sarkaalnimo ku soo dhameystay dalka jabuti uu u diiday xidigta isla markaasna si qabyaaladi ku dheehan tahay ukala saar saaray

shabkada Baraawe Online oo xiriir la sameeysay masuuliyiin ka tirsan maamulka koonfur Galbeed ayaa loo xaqiijiyey in taliyaha ciidanka booliska Koonfur galbeed  General Ibraahim Macalin Kutub uu si qeyru masuulinimo ah ula dhaqmay saraakiishii dhawaantaan tababarka kusoo dhameystay dalka Jabuuti isagoo weliba lagu cambaareeyay inuu saraakiisha ukala saar saaray qaab qabiileysi ah (DIGIL iyo MIRIFLE)

 Baaritaan eey shabakadu ku sameysay arintaan iyo xiriir eey la sameysay 37 dii leyli sarkaal ee dhawaantaan kasoo qalin jebiyey tababarka casriga ahaa oo eey mudo sedex bilood ah kusoo qaateen dalka jabuuti ayaa lagu xaqiijiyey in Taliyuhu shalay oo Taariikhdu ku beegney 7da bisha September 2016da uu 13 saraakiil ooy isku heyb yihiin isgga uu kasoo dhex xushay 37dii leyli sarkaal ee baydhabo kuwada sugnaa isla markaasna kuwii kasoo jeeday gobolka shabeelaha hoose uu si cad ugu sheegay in uusan waxba uheynin xiradana  isaga kala tagaan halka 13ka uu qabiil ahaanta kusooo xushay muqdisho loo qaaday shalay laguna wado in tababar kale jabuti  loogu diro  maalmaha soo socda

arintaan ayaa soo shaac baxday saacadu ka hor  xiriirka eey shabakadu la sameysay masuuliyiin iyo saraakiil katirsan ciidanka rasmiga ah ee booliska KG ee haatan kashaqeeya magaalada baydhabo
warku wuxuu intaas kudarayaa in 24tii kasoo hartay saraakiisha 37 aheyd eey waji gabax ku noqotay sida loola dhaqmay iyo sida qabyaalada ku saleysan ee loogu jees jeesay
masuul magaciisa aan sababo amaan darteed u qarinay ayaa noo sheegay in saraakiisha kasoo jeeda gobolka shabeelaha hoose la duudsiiyey xaquuqdii eey kasugayeen maamulka KG arintaan ayaa ah mid uuu ka warhayo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed mudane shariif xasan oo kol horeeto usheegay saraakiishaan in lasiin doono xidigtooda lana howl gelin doono kadib kulan dhexmaray isaga iyo saraakiishaas

si kastaba ha ahaatee odayaasha dhaqanka eee kasoo jeeda beelaha DIGIL ayaa iyagu laf ahaantooda faraha ka taagtay arintaan kadib markeey arkeen in qabyaalad iyo sad bursi lagula dhaqmay beelihii eey matalayeen waxeeyna isaga gaabsadeen ineey ka hadlaan arinta saraakiishaan iyo arimo kale oo fara badan oo eey kamid yihiin tiro ciidan 200 boolis ah oo laga soo aruuriyey gobolka shabeelaha hoose tababarna dhameystay oo muda sanad  ah aan la siinin hubkoodii iyo qalabkii eey ku howl geli lahaayeen halka kuwa kasoo jeedo gobolada baay iyo bakool oo iyaga ka dambeeeyay loo dhameystirey qalabkoodii iyo saanadoodi iyo mushaaraadkoodii

ugu dambeyntii waxaa la saadaalinayaa in wax garadka iyo siyaasiyiinta jaaliyadaha beelaha DIGIL eey go aan adag ka qaataan maamulka shariif xasan uu hormuudka ka yahay
warkaan waxaan kasoo xiganay masuuliyiin ka tirsan maamulka KG iyo qaar ka mida saraakiisha booliska KG ee ah kuwa hada sida rasmiga ah magaalada baydhabo uga howl gala

sawurka hoose waa saraakiisha leyli sarkaaladii tababarka kusoo dhameystay dalka jabuti ee haatan baydhabo kusugan ee loo diiday in la siiyo xidigtoodii isla markaasna qaab qabyaalad lagu faquuqay



Shabakada Wararka Baraawe Online
Baydhabo





 

Tuesday, 24 February 2015

QARAX GALABTA KA DHACAY DEGMADA HODAN EE MUQDISHU AYAA HAL QOF KU GEERIYOODAY

Hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena wuu ku dhaawac may kadib markii gaari uu lahaa nin ingineer ah oo la shaqeeya heyad Turkey ah wax yaabaha qarxa loogu xiray

qaraxyada gawaarida lagu xiro ayaa kusoo badanaayo magaalada Muqdishu isla markaasna lagu beedsanaayo in lagu wax yeeleeyo shacabka ama howl wadeenada

qaraxa maanta dhacay ayaa kusoo beegmaaya iyadoo jimcihii hore uu qarax kale ka dhacay Hotelkii central

ciidamada nabadsugida ayaa waxeey si xoogan ugu dadaalayaan sidii eey ku beegsan lahaayeen dhagarqabayaasha caadeystay ineey si gaadmo ah ku laayaan shacabka isla markaasna xasilooni daro u horseedaan magaalada

QARAX GALABTA KA DHACAY DEGMADA HODAN



 QARAX GALABTA KA DHACAY DEGMADA HODAN EE MUQDISHU AYAA HAL QOF KU GEERIYOODAY